Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo saacadaha soo socda la keenayo Muqdisho

Meydka Madaxweyhihii hore ee Soomaaliya  Cali Mahdi Maxamed ayaa lagu wadaa in la keeno Magaalada Muqdisho

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa saakay la xiray iyadoo Halkaas lagu arkayo Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya kuwaas oo Amaanka sugaya

Gudiga loo xilsaaray Aaska  Meydka Madaxweynihii hore Cali mahdi ayaa sheegay in ay diyaarinayan Hab Maamuska loogu talagalay in loo sameeyo  meydka Madaxweynaha

Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa intii uunoola waxaa uu dhisay Masjid ka dhisay Xaafada Towfiiq waxaana la sheegay intii uu noolaa uu ku dardaarmay meel barxad ah oo ku taala Masjidka in  lagu Aaso Marka uu dhinto Sidoo kalena Xaaskiisa Haddii ay dhimato in iyadana  lagu Aaso Hakaas

Marxuum Cali Mahdi ayaa Dadkii yaqaniinay shaqsiyadiisa Waxa ay shegeen in uu ahaa Qof sadaqo badan  Jecelna Akhriska Quraan Kariimka ah

Dawlada Federaalka ayaa sheegtay in 3 Maalmood oo baroor diiq loo sameeyn doono geerida Madaxweynihii hore e Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com