Meydka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo maanta la Aasay+Sawiro Daawo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb-galay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Allaah u naxariistee Marxuum Cabdisamad Cali Shire.

Xubno ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhammaan mas’uuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen Ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com