Meydadka Dumar Jirkooda Rasaas ay ka muuqato oo saakay Degmada Deyniile lagu arkay

Wararka ka imaanaya Xaafada War laliska ee Degmada Deeyniile ayaa lagu soo waramayaa saakay halkasi la soo dhigay Meydadka Haween Jirkooda ay rasaas ka muuqato.

Haweenka Meydadkooda la soo dhigay Xafada Warlaliska ee Degmada Deeyniile ayaa 3 dumar oo ilaa hadda aan la Aqoosan Magacyadooda iyo Halka ay degan yihiin mana jiraan Hay,ado ka tirsan kuwa Amniga oo Halkaasi gaaray

Ma ahaa markii ugu horeysay oo wadooyinka Muqdisho Meydad ay jirkooda Rasaas ka muuqato la soo dhigo iyadoo meydadka Dad shacab oo jirkooda Rasaas ay ka muuqato la soo dhigay degaanka Ceelasha biyaha

Si kasta ha haate, Magaalada Muqdisho iyo degaanada hoostaga ayaa muddooyinkii dambe waxa ka jiray dilal loo geysanayo Dad shacab ah .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com