Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in duleedka Magaalada Balcad la soo dhigay maydadka sideed dhalinyaro ahaa oo la dilay.
Dhalinyaradaan oo la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey, isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen, isla markaana maanta meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.
Laba ka mid dhalinyarada la dilay ayaa si wayn waxaa looga yaqaanaa Magaalada Balcad ee Gobolka Shabellaha dhexe, balse hawlo shaqo ayeey u tageen Gololeey.
Dadka deegaanka waxa ay sheegeen shalay in dhalinyaradan la afduubtay, maantana maydkooda sidaasi lagu soo dhigay deegaanka Gololey.
Lama oga sababta rasmiga ah ee la dilay dhalinyaradan, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya dilka wiilashan dhalinyarada ah inuu salka ku haayo arrimo aano qabiil.
Maydadka dhalinyarada ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana la geynayaa Xarunta C.I.D ee Booliska Somaliya, si baaritaano loogu sameeyo.