Muxuu Dr Cali Khaliif Galayr ka yiri, Su,aashii dhowaan Madaxweyne Farmaajo laga Weydiiyay Arinta gobolada SSC?

Siyaasi Cali Khaliif Galayr ayaa ka  hadlay Arimo badan iyo Su’aashii Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo laga waydiiyey gobolada  Sool iyo Sanaag, ee uu ka gaabsaday.

Wuxuu ka hadlay  Arinta Dhismaha maamulada  Dalka Iyo Sidii madaxwaynihii Hore ee Xasan sheikh  u sheegay in aanay Qorshaha ugu jirin gobolada Waqooyi Somaliland. “Inuu khaatumo iyo inta rabta Midnimo Soomaaliyeed,   waxba u ahayn waanu aragnay,    Koonfur ayuu maamulada u dhisayey,  markaas ayaan go’aan ka qaatay inaan Xamar waxba noo oolin”. Ayuu yiri Cali Khaliif Galayr.

Sidoo kale waxaa uu  ka hadlay Su’aashii dhowaan laga Weydiiyay Gobolada Sool iyo Sanaag madaxwayne Farmaajo

Madaxwaynihii wuxuu yiri Su’aashu waa mid adag, Waxaanu u Qaadanayn inaan Sool, Sanaag iyo Cayn waxba u oolin Muqdisho, Isagu Farmaajo Sidii  Xasan ma dhihin halkaas waxba nagama jiraan, Hada ogow Maamulada kale dawladda aya dhistay waad ogtahay Galmudug inta Qarash ku baxday,  Farmaajo sidii Xasan warkiisa ma Cadaysan Balse  Ood Jiidin iyo Qaadis waa ila guryo gayn.” Ayuu sii raaciyay  Dr Cali Khalii Galayr Hadalkiisaf.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com