Maxkamadda gobolka Banaadir oo Dhageysaneysa Kiis Wariye Cabdalla Muumin

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markii 3aad maanta  u fariisatay  dhegeysiga garmaqalka ka dhanka ah eed loo jeediyay  Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS Abdalle Ahmed Mumin ee saabsan Xorriyadda Saxaafadda.

Somali Journalists Syndicate – SJS waxa ay aaminsan tahay in dastuurka dalka uu yahay Hooyada sharciyada, wax walba oo ka horyimaadana ay noqonayaan wax kama jiraan. Qodobka 18 ee dastuurka ayaana lagu damaanad qaaday xorriyadda Saxaafadda.

War kasoo baxay SJS ayaa lagu yiri” Waxaan rajeyneynaa in sarreynta sharcigu shaqeeyso, Abdalle Ahmed Mumin hello GAR caddaalad ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaan ka dalbaneynaa in eeddiisa uu la laabto.