Maxkamada Hargeysa oo dil ku xukuntay Nin heysta Dhalashada Norwey.

Hargeysa, Maxkamada sare ee Hargeysa ayaa maanta dil ku xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed oo heysta dhalasha dalka Norwey.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Saad jirde ayaa hore maxkamad ugu xukuntay dil kadib markii lagu soo eedeeyay in uu dil geystay.

Maxkamada Hargeysa ayaa maanta mar kale Xukun dil ah ku riday kadib markii maxkamada lagu soo bandhigay marqaatiyaal iyo cadeymo.

Wasiirada Arimaha dibada Norwey Eriksen Søreide oo la hadashay warbaahinta NRK ayaa sheegtay in ay soo gaartay warbixinta l xiriirta xukunta lagu riday saad Jirde.

Eriksen Søreide Ayaa xustay in dadaal walba ku bixin doonaan sidii dib looga laaban lahaa xukunkaas Isla markana caawin weydiisan doonaan Dowlada Ingiriiska.

Carruurta uu dhalay saad jirde ayaa ka codsanaya dowlada Norwey in ay ka shaqeyso sidii aabahood dilka looga bad baadin lahaa dibna loogu soo celin lahaa Norwey.

https://www.nrk.no/norge/dodsdomt-norsk-statsborger-far-mulighet-til-a-anke-1.15373803

Xafiiska Wararka,Oslo.

Info@aragticusub.com