Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, kuwaasoo lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne.
Waxaana lagu kala xukumay 18-sano, 12 sano, 9 sano iyo 3 Sano, waxaana xubnaha la xukumay isugu jireen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda, Madaxa Xisaabaadka Mashruuca Wacigelinta iyo Mas’uul kale.
Madaxa Garsoorka Maxkamada Gobolka Bnaadir ayaa ku dhawaqaay xukunka ay riday maxkamada iyo heerar kala duwan ay soo martay dacwada loo heystay Eedeysanayaasha .
1- Agaasimaha Madaxa Maaliyada ayaa lagu Xukumay 18 sano oo xabsi ah
2- Agaasimaha Guud ee Wasaarada ayaa lagu Xukumay 9 sano oo xukun ah.
3- Madaxa Mashruuca Malaariyada ayaa asagana lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.
4- Agaasimaha qeybta Xisaabaadka ayaa asagana lagu xukumay 12 sano.
5- Maxkamadda ayaa sii deysay 5 xubnood kale oo lagu waayay wax dambi ah, dibna loogu celiyay xoriyaddooda
Xafiiska Wararka Muqdisho.