Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Puntland oo xukun ku riday Wariye Kilwe Aadan

Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee Puntland  ayaa maanta saddex bilood oo xabsiya ku xukuntay wariye Kilwe Aadan Farax oo maamulka Puntland u xirnaa muddo 60 cisho ah.

Garsoorka Maxkamadda Cidanka qalabka sida Puntland  waxay ay sheegeen in xeer ilaalinta Puntland aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya Eedaha loo  soo jeediyay wariye Kilwe taas oo ahayd in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo.

Xukunka Maxakamadda ay ku riday wariye Kilwe Aaden, waxa uu ka bilaabanayaa sida la sheegay  maalintii la xiray oo ku beegnayd 28 December 2020 sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com