Maxkamad ku Taala Magaalada Nairobi oo Xukun ku riday shaqsiyaad lagiu Eedeeyay Weerarkii Westgate Mall.

Maxkamad ku taalla Magaalda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa laba nin ku kala xukuntay 33 iyo 18 sano oo xarig ah , Xukunkaas oo ah kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013-kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof magaalada Nairobi.
Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen xagjiriinta Al-Shabab, kuwaas oo soo maleegay weerar ay malayshiyaadku suuqan ku yaalla caasimadda ku go’doomiyeen muddo afar cisho ah.

Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shirqool maleegid ah iyo 18 sano oo ay taageero ku siiyeen kooxdii ka dambeysaay West Gate Mall.

Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu helay dambi ah in uu haystay agab caawiyay kooxdii weerarka Fulisay, Labadan nin oo muddo toddobo sano ah ku qaatay xabsi ayuu Andayi sheegay in sanadahaas laga jari doono xukunnadooda.
Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay kooxo hubeysan oo aan la aqqoonsan.

Dhammaan saddexda eedeysane ayaa ka soo jeeda Soomaaliya, iyadoo laba ka mid ah ay yihiin muwaadiniin Kenyan ah.
Weerarka lagu qaaday suuqa ayaa yimid labo sano ka dib markii Kenya ay talaabo milatari ka qaaday gudaha Soomaaliya si ay uga hortagto afduubyada ka dhaca gudaha Kenya, kuwaas oo waqtigaas aad u kordhayay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com