Maxkamad ku Taala Magaalada Garoowe oo siideysay Raggii ku Eedeeysna Kiiskii Dilka ahaa ee Marxuumad Hodan shanleyste

Maxkamadda darjada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa Shalay oo ku beegnayd 2 September 2020, waxay xorriyadooda u celisay lix nin oo ku eedaysnaa Kiis Kufsi iyo dil ah, kaas oo sannadkii hore ka dhacay magaalada Garoowe.

Maxkamadda oo fadhiyo kala duwan ka yeelatay, dhegaysiga gar-maqalka Kiiska marxuumad, Hodon Axmed Maxamed Shanlayste, oo 10-kii April 2019 kufsi iyo dil loogu gaystay Garoowe, ayaa ugu dambayntii sii daysay lix kamid ah, todoba nin oo u xirnaa Kiiska, kuwaas oo sida maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Garsoorayaasha maxkamaddu, waxay sheegeen in baaritaanno kala duwan oo lagu sameeyay todobada eedaysan, islamarkaana loo adeegsaday Shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ay soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin.

Sidoo kale, maxkamadu waxay dhaar marisay lixda nin ee xorriyadooda loo celiyay, halka ninka todobaad oo hadalo is-burinaya ku hadlay, ay maxkamaddu kiiskiisa dib u dhigtay, si loogu sameeyay baaritaan dhanka caafimaadka maskaxda ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com