Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa Maanta oo Sabtiya dhegaysatay Gar-maqalka dacwad ka dhan ah sagaal nin, oo ku eedaysan in ay dhac u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas ee Magaalada Garoowe.
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax, ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sagaalka eedaysane iyo hal eedaysane oo maqan ay dhac iyo xatooyo u gaysteen qaar kamid ah Haamaha Cuntada lagu karsado ee Shirkadda SAAFI Gaas.
Sagaalka eedaysane oo dhankooda ka hor-hadlay Maxkamadda, ayaa dhammaantood beeniyay in ay wax dhac iyo xatooyo ah u gaysteen Shirkadda SAAFI Gaas.
Dhinaca kale, Wakiil ka socday Shirkadda oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur Siciid ayaa isna halkaasi ka sheegay in eedaysanayaasha qaarkood ay hore hay’adaha Baarista ugu qirteen dambiga loo haysto.
Ugu dambayntii, Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobolka Nugaal, ayaa dib u dhigtay ka go’aan gaarista kiiska loo haysto sagaalka eedaysane ee Maxkamadda la hor-keenay iyo hal eedaysane oo maqan.
Xafiiska Wararka Muqdisho.