Maxkamad Dambi ku heshay Askarigi dilay George Floyd

Xeer-beegti ayaa sarkaal hore oo booliis ahaa ku heshay dambi ah in sannadkii hore uu waddo ku taal Minneapolis ku dilay George Floyd oo ahaa nin madoow oo Maraykan ah.

Derek Chauvin, oo 45 jir ah, ayaa muuqaal laga duubay asagoo in ka badan sagaal daqiiqo jilibka qoorta kaga haya Mr Floyd oo la doonayey in la xiro bishii May.

Muuqaalkaas oo si weyn loo daawaday ayaa caro iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka iyo awoodda xad dhaafka ah ee booliska ka dhaliyey caalamka oo dil.

Chauvin ayaa lagu helay dambi ah in si ula kac ah uu u dilay George Floyd.

Ninkaas ayaana xabsiga lagu hayn doonaa tan iyo inta la xukumayo waxaana suurta-gal in tobonaan sano uu xabsiga ku sii jiro.

12-ka qof ee xeer beegtida ah ayay maalin ka yar ku qaadatay in arrintaan ay go’aan ka gaaraan, kaddib maxkamadayn socotay muddo saddex toddobaad ah oo qalalaase ka abuurtay Minneapolis.

Kaddib markii labada dhinacba ay Isniintii soo bandhigeen doodooda, ayay xeer beegtidu waxay ku kaliyaysteen hoteel cidla ah oo aan la oggolayn in wax xiriir ah lagala soo sameeyo bannaanka si ay kiiskaan go’aan uga gaaraan.

Xeer-beegtida ayaa si aqlabiyad leh isugu raacday go’aanka waxaana lagu war geliyey in aanay guryahooda u hoyan tan iyo inta ay go’aan gaarayaan.

Go’aanka xeer-beegtida ka soo baxay ayaa dabbaal-degyo ka abuuray bannaanka maxkamadda, ayadoo boqolaal qof oo halkaa ku sugnaana ay si weyn ugu farxeen markii uu go’aanku soo baxay.

Qareenka qoyska Floyd, Ben Crump, ayaa sheegay in maanta ay “maalin taariikhi ah” u tahay Marayakanka.

Ninkaas oo 46 jir ahaa wuxuu baakad sigaar ah ka iibsaday dukaan ku yaalla Koonfurta magaalada Minneapolis markii ay taariikhdu ku beegneyd 25-kii bishii May ee sanadkii 2020-kii.

Qof ka mid ahaa shaqaalihii dukaanka ayaa aaminsanaa in ninka wax iibsaday uu bixiyay $20 doolar oo been abuur ah, wuxuuna u wacay booliska kaddib markii Mr Floyd uu diiday inuu celiyo sigaarka.

Ciidan ayaa yimid waxayna gacmaha ka xireen Floyd, laakiin markii ay damceen in ay gaarigooda galiyaan wuu diiday. Isjiidjiid kaddib Mr Floyd waxaa af af loo seexiyay waddada dhexdeeda.

Markaas ayey dadkii goobta ka ag dhawaa billaabeen inay muuqaallo ka duubaan.

Mr Chauvin, oo 44 jir ah, ayaa jilibkiisa qoorta ka saaray Mr Floyd, wuxuuna ku hayay in ka badan sagaal daqiiqo, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha.

Labo askari oo kale ayaa ka caawiyay in uu dhulka dhigo, halka mid kalena uu dadkii goob joogeyaasha ahaa ka celinayay inay soo faragaliyaan.

In ka badan 20 jeer ayuu Mr Floyd sheegay in ay neefta ku xirantay. Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo foorara oo lagu qaadayo gaariga booliska.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com