Maxay tahay Sababta Gudiga doorashooyinka ay uga horyimaadeen dalabka ka soo yeeray Midowga Musharixiinta ?

Guddomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya  Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay inay doorashadu soconayso oo aan loo joojinayn baaqa kasoo yeeray midowga musharraxiinta Soomaaliya.

Guddoomiye Cirro  ayaa sheegay in aanay marnaba xalka ku jirin in doorashada la hakiyo, isagoo sheegay intaas bedelkeed la xallin karo wixii tabasho oo doorashada ka dhashay.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo in la isku yimaado oo laga tashado sidii horey loogu socon lahaa, si meesha looga saaro taag taaga doorashadana ugu qabsoomto waqtigeeda.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in ay guddigoodu ku shaqeynayaan heshiis siyaasadeed oo aanay dhinacna uga beeri karin, wuxuuna ugu baaqay midowga musharraxiinta in ay ku kalsoonaadaan dadaalka guddiyadu doorashu wadaan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com