Maxay Odayaasha Garxijis ka yiraahdeen Colaada laascaanood ka Jirta?

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka  beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay war ku saabsan dagaalka magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool, iyaga ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Muuse Biixi Cabdi.

Kulan ay Magaalada Hargeysa ku yeesheen Waxgaradka, Isimadda dhaqanka beelaha Garxajis ee Somaliland ayay ka soo saareen Warmurtiyeed ka kooban lab Bog oo looga hadlay xaaladda Laas-Caanood iyo qaban qaabada wada-hadallada ay wado Xukuumadda Somaliland.

Waxay sheegeen in uu horey u fulin waayay go’aamo iyo heshiisyo ay wada galeen Bulshadu, iyaga oo cadeeyay in aysan qeyb ka aheyn xubno (Ergo) u shaqeynaysa Madaxweyne Biixi oo ay sheegeen in loo diray gobalka Sool.

Sidoo kale waxaa ay cambaareeyeen dagaalka ka socda Magaalada Laas-Caanod iyo dilalka loo geysanayo dadka Shacabka ah, iyaga oo sidoo kale ku baaqay in ciidamada Somaliland laga dulqaado magaalada, lana geeyo meel aan xabaduhu iska gaareyn, taas oo ay diiday Xukuumadda Somaliland.

Qodobada ugu muhiimsan ee kasoo baxay Kulankii ay yeesheen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka  beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa waxaa kamid ah:

  1. Waxa ay si xoog leh u canbaaraynayaan dagaalka ka socda Laascaanood iyo dilka shacabka aan hubaysnayn;
  2. Waxa leh masuuliyadda waxa ka dhacay Laascaanood xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.
  3. Beesha Garxajis waxa ay go’aansatay in aan ay ka qaybgelin kana mid ahayn ergada uu sheegay Muuse Biixi inuu u dirayo Laascaanood sababta oo ah ma qaadi karno kalsoonida inuu aqbalayo go’aamada ay ergadu gaarto annaga oo ku xisaabtamayna dhaqankii hore looga bartay; iyo in magaalada Laascaanood ay ka socoto xabad oo aanu jirin jawi nabadeed oo lagu wada hadli karo.
  4. Waxa aannu tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay Laascaanood ehelkooda iyoqaraabadooda.
  5. Go’aankani waa mawqifka rasmiga ah ee beesha Garxajis mana jirto cid kale oo ku hadli

karta magaca iyo afka reerka ama kaga qaybgeli karta shir magaca iyo afka reerka.

Ugu dambeyn Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka  beelaha Garxajis ee Somaliland ayaa  soo jeediyay

  1. In si run ah loo joojiyo xabadda;
  2. In ciidamada la kala fogeeyo oo la geeyo meel aan xabaddu iska gaari karin si xabad joojintu u hirgasho.
  3. In la joojiyo hadalada xanafta leh ee wax kala fogayn kara.
  4. Xukuumaddu waa inay ciidankeeda gayso meel aan xabaddu iska soo gaari Karin islamarkaana waa inay si dhab ah u xakamayso ciidankeeda si xabad joojintu u hirgasho.
  5. Garaadada, gudida, culimada iyo waxgaradka beesha Dhulbahante waxa aannu

ugu baaqaynaa inay qayb ka qaataan fullinta xabad joojinta iyaga oo ka qaadanayadoorka kaga beegan ee ah xakamaynta ciidanka.

  1. In aan wax caqabad ah lagu samayn kaalmada banii’aadantinimo ee la gaarsilinayo shacabka ku baro-kacay dagaalka sokeeyo iyo dadka dhaawucu soo gaaray.