Maxay ka wada hadlen Qoor Qoor iyo Xubno ka Tirsan Midowga Musharixiinta?

MadaxweynahaMaamulka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho casho sharaf ugu sameeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Madaxweyne Qoor Qoor oo uu weheliyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa intaas kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha Midowga Murashixiinta.

Kulankan oo hordhac u ahaa Shirka Arrimaha Doorashada ee la filayo in uu maalmaha soo socda Muqdisho ka furmo waxa labada dhinac uga wada-hadleen xallinta muranka siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta Doorashada.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dalka Xasan Cali kheyre iyo Xubno kale oo uu ka mid yahay cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame ayaa ahaa xubnihii uu xalay la kulmay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor kuwaas oo ka wada hadlay qabsoomida doorasho ka dhacday dalka iyo sidii khilaafka hareeyay looga gudbi lahaa

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com