Maxay ka wada hadleen Xildhibaan Ceeymooy & Xubno ka Tirsan Beesha Caalamka?

Xildhabaan Maxamed Cumar Ceymooy oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo aay Wehlineyso Xildhibaanad Maryan Aweis Jaamac ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Mas,uuliyiin ka mid ah xubnaha Beesha Caalamka Wakiilka uga ah Soomaaliya

Xildhabaan Ceymooy ayaa Xubnaha uu la kulmay ayuu Xildhibaan Ceymooy ugu warbixiyey Xaaladaha Bani,aadamnimo ee ka taagan Guud ahaan Dalka gaar ahaan Dhulka Jiinka Wabiga Shabeelle .

Mas,uuliyiinta ka socday Beesha Caalamka ayaa dhageystay Warbixin  uu Mudane Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy   ka siiyay Xaaladaha Abaareed ee ka jira Jiinka Wajiga  ayaga oo uga mahadceliyay Xildhibaan kulan uu la yeeshaay xMas’uuliyiintaan  ‘ waxana dhankooda ay balan qaadeen in wax laga qaban doonaan sida uugu dhaqsiyaha badan degaanada abaarta ay ka jirta ee jiinka wabiga shabeelle.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com