Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle iyo Safiirka Dawlada UK Soomaaliya?

Sii haayaha Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Xilgaarsiinta Dalka  Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga ee Zoomka shir kula yeeshay Danjiraha cusub UK ee Soomaaliya Kate_Foster iyo xubno  kale oo arimaha horumarinta u qaabilsan UK.

Qoraal  kooban oo uu wasiirka soo dhigay bartiisa face buugga ayuu kaha hadlay kulanka uu la yeeshay safiirka Uk ee Soomaaliya:

“Waxa aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Dowladda UK, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo xaaladaha deg degga ah ee COVID-19 oo hada dhibaato xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa tilmaamay  in Dowladda UK ay ka mid tahay saaxibada Soomaaliya ee muhiimka u ah horumarka Soomaaliya, isla markaana garab taagan mar waliba.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com