Maxay ka wada hadleen Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland?

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo ay weheliyaan Xubno  kamid ah Wafdigiisa, ayaa xalay Garoowe kulan kula yeeshay Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland .

Kulankaas ayaa waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka Puntland, Faysal Axmed Warsame iyo xubno kale oo ka tirsan Dallada PUNSAA, waxaana looga wada-hadlay marxaladda kala guur ah ah ee dalka, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Ra’iisul wasaare Rooble, wuxuu Ururada Bulshada Rayidka Puntland uga warbixiyay Arrimaha Xukuumaddiisa uga qabsoomay hirgelinta Doorashada iyo xal u helidda khilaafka ka taagan Guddiga Doorashada heer Federaal.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com