Maxay ka Wada hadleen Qoor Qoor iyo Madaxdii hore ee Qaranka ?

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif sheikh Axmed ‘ Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxdaasi kula kulmay Hooyga ay ka degan yihiin Magalada Muqdisho.

Madaxdii hore ee Qaranka oo uu wehliyo Ra’iisal Wasarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor kala hadlay Xaalada Siyasadeed ee Dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Siyaasadeed ee Dalka Ka jira

Qoraal kooban oo laga soo saaray kulanka Qoor Qoor iyo Madaxdii hore ee Dalka ayaa lagu sheegay in uu aha kala warqaadasho xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo Marxalada kala Guurka.

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com