Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Kulan Wada-tashi ah oo ku saabsan Arimaha doorashooyinka Soomaaliya yeeshay Siyaasiyiin iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada puntland waxana ka qayb-galay Siyaasiyiin Aqoonyahanno iyo Ururada Bulshada Rayidka Puntland oo dhammaan ka kala yimiid degaanada Puntland .
“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi isugu jira oo ku saabsan xaaladda Dalku marayo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada , Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee Puntland ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland.”
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com