Maxay ka Wada hadleen Madaxweynaha Jubland Axmed & Cabdi kariim Xuseen Guuleed?

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa kulan Muhiim ah oo horudhac u ah Qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowladd Goboleedyada la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka JUBALLAND Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kaas oo ay si qoto dheer isaga wareysteyn Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Mudane GULED ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com