Maxay ka wada hadleen Madaxda Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka iyo Madax ka soctotay UNka?

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo ay wheliyaan Guddoomiye ku xigeenka hay’adda iyo Madax kale oo ka tirsan hay’adda ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.
kulankaan oo ka dhacay Xarunta hay’adda SODMA ayaa looga wada hadlay arima la xariira dadka ku barakacay gudaha dalka ( IDPs) sida loo caawin lahaa, iyo sidii ay wada shaqeen dhaw u yeelan lahaayeen labada hay’adood, taas oo taabanayso dhinacya badan.
Ugu danbayn hoggaanka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka qaranka ayaa u mahadceliyay madaxda ka socotaya hay’adda UNHCR booqashada ay ku yimadeen Xatunta SODMA iyo wada shaqaynta ay ballan qaadeen.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com