Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble aayaa lagu wadaa maanta oo Axad ah uu dibedda ugu baxo safarkiisii ugu horreeyey tan iyo markii xilkaas loo magacaabay lana dhaariyay .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kaga qeyb gali doona Magaalada Kuwait ee Caasimada Dalka Kuwait Tacsida amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabaax Axmad Al Sabax.
Sheikh Sabah ayaa geeriyooday 29-kii September, kadib muddo uu xanuunsanaa waxaana dalkaas lagu aasay isla maalinkii xigay ee 30-kii September. Waxaa uu ahaa 91 jir.
Si kastaba, Sheikh Sabah ayaa la filayaa in Kuwait loogu qabto munaasabad tacsi, baroordiiq iyo duco ah, oo ay ka qeyb gali doonaan inta badan hogaamiyeyaasha Carabta iyo Islaamka.
Waxaa la sheegay in safarkan uu marka hore qorshaha ahaa inuu ka qeyb-galo madaxweyne Farmaajo, hase aahaatee uu taas beddelkeed shalay aaday dalka Koonfurta Suudaan, halkaasi oo uu kaga qeyb galay Xafladii heshiiska siyaasadeed ay kala saxiixdeen dolwadda Suudaanta Koofureed iyo mucaaradka dalkaas.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com