Maxaa looga hadlayaa kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka ay ku yeelanayaan Muqdisho?

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ku yeelanaya xarunta golaha shacabka .

Kulanka ayaa looga hadlayaa labo qodob oo kala ah Akrinta saddexaad ee wax ka bedelka sharciga Waxbarshada Heerka 1-aad iyo 2-aad iyo tacliinta sare, iyo qodobka labaad oo ah Warbixinta ku saabsan waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumadda Federaalka oo loo qeybinayo xildhibaanada si ay u soo akhriyaan.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 9-ka bisha Febraayo 2021 oo beri ku began hortagaya Xildhibaanada golaha shacabka si uu uga hor jeediyo warbixinta waxqabadka 100-ka maalmood ee Xukuumaddiisa.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com