Maxaa looga hadlayaa Kulanka Labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya Berri ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho?

Labada Gole Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri oo sabti ah 26-ka September yeelanaya fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, oo la doonayo inay Ansixiyaan

 

Xildhibaanada labada Gole  ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay berri 9:00am ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, ka dibna ay cod ugu qaadaan.

 

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayaa in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com