Maxaa looga hadlaya Kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka maanta ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ah ku yeelanaya Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa ah dhagaysiga warbixin ku saabsan saameynta uu cudurka Covid 19 ku yeeshay xaaladaha cunto soo saarka iyo nafaqada dalka iyo sidoo kale dhagaysiga warbixin ku saaabsan saameynta Covid 19 uu ku yeeshay ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Mudanayaasha golaha shacabka ayaa sidoo kale aqrinta 2-aad marsiinaya hindise sharciyeedka socdaalka socdaalka Soomaaliya, kaas oo in muddo ah ay ka shaqaynayeen hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo hay’adaha kale ee sharcigaasi quseeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com