Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada oo maanta ku qabsoomay Mareegta Internetka?

Shirka Golaha Wasiirrada XFS Soomaaliya oo ku qabsoomay aalada Zoomka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee saameynta xanuunka Covid 19, laguna ansixiyay Hindise sharciyeedka Caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.Shirka Golaha Wasiirada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda looga dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha u soo gudbisay xaaladihii u danbeeyey ee laba kacleynta Caabuqa Covid19 oo dad tiro badan soo ritay maalmihii u danbeeyey kuwaas oo qarkood u geeriyooday Cudurka Safmarka .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com