Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland?

Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiirada isagoo golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda Amniga, abaaraha ka jira deegaanada Jubaland, iyo booqashadii ay shalay Kismaayo ku tagtay safiirka UK ee Soomaaliya.

Warbixinta amniga ayaa ugu horeeyntii golaha looga hadlay, waxaana la bogaadiyey ciidamada qaybahooda kale duwan kuwaa oo kujira adkeynta amaanka guud.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladdu ay wado gurmadyo kale duwan oo ku saabsan sidii gurmad xooggan loogu fidin lahaa dadka ay abaaruhu ku dhaceen, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayuu sheegay Madaxweynaha in ay kala hadleen sidii ay qayb weyn oga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameenayo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale golaha wasiirada oga warbixiyey kulankii shalay uu la qaatay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya Kate Foster kaa oo diiradda lagu saaray sidii ay Dowlada UK qayb oga qaadan laheyd gurmadka abaaraha.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com