Maxaa looga hadlay Kulankii Maanta ee Aqalka Sare?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiisa afaraad oo ajandihisu ahaa ansixinta Xubin ka mid ah Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyo akhrinta 2aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen soddon Sanatar ayaa ugu horrayn loogu codeeyay Senator Samsam Daahir Maxamuud in ay ka mid noqoto Guddiga wadajirka ah ee La socodka, Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (OC) iyada oo intaas kadib Sanatarradu ay guda galeen dooda Xeerhoosaadka Golaha Aqalka Sare oo ay toosin iyo sixitaan ku sameeyeen qodobadii maanta loo soo bandhigay.

Kulanka Maanta ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo howlo shaqo ku tegay Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo xiray ayaa Sanatarrada faray in ay isbarbardhig ku soo sameeyaan qodobada Xeerhoosaadkii hore iyo is bedelka soo kordhay, maalinta Sabtida ahna la sii wado dooda Xeerhoosaadka Aqalka Sare.

Dhinaca kale Senator Samsam Daahir Maxamuud ayaa ka mid noqday xubnaha Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka JFS, kadib markii maanta ay Golaha Aqalka Sare ka heshay codka kalsoonida.