Maxaa looga hadlay kulanka Dhexmaray Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya iyo wasiiru dawlaha Arimaha dibada Soomaaliya ?

Wasiiru Dowlaha Wasaarada  Arimaha Dibadda Soomaaliya Belel Cusmaan, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Ruushka  u fadhiya Soomaaliya iyo Jabuuti Ambassador, Michail Golovanov.

War Qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiirka iyo Safiirka ay wada hadleen xiriirka labada waddan iyo xaaladaha siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Qoraalka waxa lagu sheegay, in Safiirku uga ka mahad celiyey Wasiirka qaabilaadda iyo soo dhoweynta uu u sameeyey, waxaana uu u sheegay in dowladda Russia diyaar u tahay wax la qabashada Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku sooaadaya , xilli dowladda Soomaaliya ay cadaadis xoogan kala kulmayso dalalka Reer Galbeedka, kadib mudda kordhintii uu go’aamiyay Aqalka hoose ee Baarlamanka dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com