Maxaa looga hadlay kulan muqdisho ku dhexmaray wasiirka Haweenka Xukuumadda Sooomaaliya iyo Madaxaha Arimaha Haweenka ee QM?

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa xafiiskeeda ku qaabishay madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha Haweenka Sadik Syed.

Wasiir Xaniifa Maxamed ayaa sheegtay in Soomaaliya tallaabooyin u qaadday ka qeyb galka siyaasadda haweenka, iyadoo ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada ay siinayso

Hirgalinta Axdiga Haweenka Soomaaliyeed oo la jaal ah qaraarka Qarammada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1,325.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay ee arrimaha haweenka Sadik Syed ayaa wasaaradda haweenka ku ammaanay dadaallada ay waddo,isagoo wasiirka cusub ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay.
Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com