Maxaa looga Hadlaya kulanka Xildhibaanada Golaha shacabka Maanta ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho?

Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maaanta lagu wadaa in ay  kulan ku yeelanayaan xaruntooda Ku

meel gaarka ah ee Villa Hargeysa,si ay u gudagalaan akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaha

Xildhibaanada Golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya oo muddo xileedkooda uu gabagabo marayo ayaa dardar gelinaya Hawlaha baarlamanka islamarkaanka meel marinaya sharcida la hor geeyay

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com