Maxaa lagu xaliyay Khilaafkii bixinta shahaadada Dugsiga Sarre ee Ardayda Puntland?

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa Heshiis ka gaaray shahaadada dugisga sare ee Ardayda Puntland oo muddo muran uu  ka taagnaa.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen wasaaradaha waxbarshada Dowladda Federaalka iyo Puntland ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen madaxda labada wasaaradood ay isku afgarteen qodobada kala ah.

1- In adayda Puntland ee dhamaysay dugsiga sare loo fasaxay shahaadadii dugsiga sare ee federaalka oo laga heli doono xarunta Wasaaradda Waxbarshada Puntland iyo tan Federaalka ee Muqdisho.

2. In la isugu yimaado shirweyne looga arrinsanayo arrimaha waxbashada dalka.

Muddo labo sano ardayda Puntland ee dhamaysatay dugsiyada sare ayaa helin shahaadada Dowladda Federaalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com