Xubnaha Beesha Caalamka, ayaa xalay Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxda Maamul goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo..
Kulanka ayaa looga hadlay khilaafka iyo murunka ka taagan qabsoomidda shirka Arrimaha doorashooyinka, kadib markii natiijo la’aan ku dhammaaday shirkii madaxda maamul goboleedyada gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo ku dhexmaray muqdisho.
Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sida la xaqiijiyay wakiilada Beesha Caalamka u sheegay in Puntland iyo Jubaland ay fashiliyeen shirka, islamarkaana aysan doonayn in doorasho dalka ka dhacdo.
Qoor Qoor, Guudlaawe iyo Lafta Gareen ayaa sidoo kale codsaday, in iyagana la fasaxo si ay dib ugu laabtaan Gobolladii ay ka yimaadeeen.
wakiilada Beesha Caalamka ayaa diiday codsiga saddexdaas Maamul -goboleed, waxaana lagu wargeliyay in cid kasta oo shirka baxda loo aqoonsan doono Qaswade.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com