Maxaa ka soo baxay kulankii Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Madasha Xisbiyada Qaran (SAWIRRO)

Madasha Xisbiyada Qaran oo mowqifkeeda la xiriira Doorashada dalka u caddeysay Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegtay in lama huraan ay tahay in Doorashada lagu qabto waqtigeeda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka BF C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa kulan la yeeshay caawa hoggaanka sare ee MXQ gaar ahaan Madaxweyneyaashii hore Mudane, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen, sidii loo maarayn lahaa xaaladda kala guurka ah ee Dalku marayo iyo qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigeeda loona dhan yahay.

Kulankan oo ka duwanaa kulamadii hore ayay Guddoonka Golaha Shacabka sheegeen inaysan mataleyn, kana socon hey’ad ka baxsan hey’adda ay Guddoonka u yihiin ee Golaha Shacabka, Waxaana Madashu gaarsiisay labadda masuul mawqifkeeda ku aadan doorashooyinka dalka.

Wuxuu Guddoonku sheegay in lama huraan ay tahay in xilligan adag ee kala guurka ah ay diyaar u yihiin in Waddanka xasilloonidiisa laga shaqeeyo laguna dadaalo sidii doorashada loogu qaban lahaa waqtigeedii.

Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa isku raacay in laga fogaado in Dalku galo marxalad degenaasho la’aan ah maadaama uu gabaabsi yahay waqtigii Hey’adaha Dastuuriga ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hoggaanka MXQ u caddeeyey Guddoonka Golaha Shacabka inaan la aqbali karin muddo korosi, lama huraanna ay tahay in Doorashada lagu aado waqtigeeda.