Maxaa ka soo baxay Kulankii Garoowe ku dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi?

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay hoyga uu Garoowe ka degay ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Madaxweyne Deni iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, ayaa sida wararku sheegayaan waxay ka wada-hadleen xal u helidda Khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashada 2020/2021, gaar ahaanna Guddiga Doorashooyinka heer Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Xaashiayaa diidan , Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee ay dawlada u magacowday soo xulista Xildhibaannada Labada Gole ee laga soo doorto Somaliland, islamarkaana uu dalbaday in la kala diro Guddigaas.

Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxa la sheegay in ay ka midaysan yihiin Ra’yiga la xiriira kala diridda Guddiga soo dooranaya Xildhibaannada heer Federaal ee ka yimaada Somaliland.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com