Maxaa ka soo baxay kulankii Cali Mahdi iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Mudane Cali Mahdi Maxamed iyo xubno ka Tirsan Golaha  wasiirada  ee  xukumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku wada  yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Guriga  Mjudane Cali Mahdi uu ka degan yahay Muqdisho , ayaa waxaa ka qeyb ahaa wasiirada Xukuumadda ku matala Beelaha Hawiye, iyagoo kawada hadlay xaalada dalka iyo sidii dalka looga bixin lahaa xaaladda  cakiran ee dalka uu ku jiro.

Xubnaha Cali mahdi la kulmay ayaa waxaa ay kala yihiin ‘ wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubeey Jimcaalle, wasiiru  dowlaha amniga, Farxaan Cali Axmed, wasiirka Ganacsiga iyo xubno kale oo ka Tirsan Golaha Wasiirada .

Wararka ayaa sheegaya in wasiiradii la kulmay Cali Mahdi Maxamed ay isla garteen in xaalada dalka la dejiyo  dhibaato aan loo hotrseedin shacabka Soomaliyeed ee Dawlad ku nool ka ah.

Kulanka ayaa Imaanaya  xilli  dalka ay ka jiran xaalado siyaasadeed oo ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com