Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Wadanka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq ayaa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Suudaan Therese Loken Gheil.
Labada Safiir waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway..
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu kaga hadlay Danjire Isaaq waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Suudaan haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.
Qoraalka ayaa u qornaa Sidaan:
“Waxaan is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq.
Dowladda Norway ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com