Maxaa ka jira in Xoghayaha Difaaca Mareykanka  Christopher Miller booqasho aan horay loo shaacin uu ku yimid Muqdisho?

Xoghayaha Difaaca Mareykanka  Christopher Miller ayaa booqasho aan horay loo shaacin saacadihii la soo dhaafay ku yimid magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Saraakiil Maraykan ah.

Miller ayaa muddo saacado ku sugnaa Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa halkaas kula kulmay xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka, sida ay shaacisay warbaahinta Mareykanka.

Xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa ka soo safray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuuti, waxaana imaatinkiisa Muqdisho ku soo aaday, iyadoo maamulka Trump uu shaaciyay inuu Soomaaliya kala baxayo ciidamada ku sugan oo gaaraya ku dhowaad 700 askari.

 

Mareykanka ayaa Ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka taageera dhanka tababarada iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyadoo howlgalada ay ay u adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com