Gudoomiyaha golaha shacabka iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaliya oo kulan yeeshay+ Sawiro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb Mukhtaar Maxamed Waare.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka gudoomay dhambaal saalaan ah uu ka siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Safiirka ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka  Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com