Mas’uuliyiin lagu xiray Magaalada Dhuusamareeb{AKHRISO}

Ciidamada Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay xabsiga dhigeen Madaxa Waxbarashada Dhuusamareeb iyo xubno kale oo ka tirsan Bahda Waxbarashada .
Mas’uuliyiinta ay Ciidamada xireen ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Axmed oo ah madaxa Waxbarashada Dhuusamareeb ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug iyo Ustaad Maxamed Seeraar oo isna ka tirsan Barayaasha ugu caansan Magaalada Dhuusamareeb.

Laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta loo xiray mas’uuliyiintan, balse xilliga la xirayay ayaa waxa ay xabsiga Dhuusamareeb ku booqdeen dad ehel la’ah kana mid ah Gaadiid banaanbax ka dhigay Dhuusamareeb oo la xiray, iyaga oo ka cabanayay cabteen qiimaha lacageed ee lagu bixinayo taargada cusub ee Galmudug.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin xariga mas’uuliyiintan oo xalay ku hoyday Magalada Dhuusamareeb, hayeeshee waxaa la sheegay inay socoto waan waan ku aadan sidii loo siideyn lahaa.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com