Mas’uul ka Tirsanaa wasaarada cadaalada oo lagu dilay degmada Hodan

Kooxo hubaysan, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay garsoore Cabdullaahi Cabdi Maxamed, oo ka tirsanaa wasaaradda Caddaalada xukuumadda Soomaaliya.

Marxuum Cabdullaahi Cabdi Maxamed (Bagadi), ayaa xalay lagu dilay xaafadda Taleex ee degmada Hodon, sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Dableyda dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana dhacadada kadib halkaas gaaray laamaha Amniga.

Wasaaradda Caddaalada ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka tacsiyaysay geerida marxuumka oo  ka tirsanaa wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa dilkiisa Waxaa  sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Wararmuqdisho

Info@aragticusub.com