Masar & Qatar oo Rajo ka muujiyay Heshiis Xabad Joojin ah oo laga gaaro dagaalka Qasa

Dawladaha Qatar iyo Masar, ayaa markii u horreysay bilooyin kaddib ayaa Rajo ka muujiyay heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro Qasa, iyadoo Xamaas ay xaqiijisay inay jiraan soo jeedin macqul ah oo ka imaan karta dhexdhexaadiyaasha , halka Israa’iil ay sheegeen inay dib u eegis ku wado Mossad , soo jeedinta la soo bandhigay.

Hadda labada dhinac Xamaas iyo Israa’iil, waxay sheegayaan inuu jiro rabitaan ah in heshiis la gaaro, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in wali ay jiraan caqabado waaweyn, sida ay ku warrantay Al-jazeera.

Waxa is beddelay ayaa ah in Israa’iiliyiinta ay raadinayaan in ay miiska yimaadaan sababtoo ah dadweynaha Israa’iil ayaa aad uga caraysan maamulka Netanyahu.