Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xassan Abshir Faarax, ayaa Maanta Aas Qaran loogu samaynaya Magaalada Garoowe.
Aaska Qaran, waxaa ka qayb-galay Ra’iisal Wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni , Guddoomiyaha Aqalka Saree e baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi, Madaxda maamul Goboleedyada Dalka, Siyasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, xubno ka tirsan maamullka Puntland iyo heer iyo dad weyne kale
Maydka Marxuumka ayaa ka hor intaan Garoowe la keenin, waxaa Salaad Janaaso lagu tukaday Magaalada Muqdisho, waxaana Saaladda janaasada ka qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com