Marwada Koowaad ee Dalka oo Hambalyo ku aadan Munaasabada Ciida u dirtay shacabka Soomaaliyeed

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hambalyo la xiriirta  bilashada bisha soonfur iyo ciiddul fidriga u dirtay shacab weynaha Soomaaliyeed.

Marwada koowaad ayaa ku boorrisay shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan carruurta agoonta iyo qoysaska danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciiddul fidriga.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa si gaar ugu hambalyeeysay hooyooyinka Soomaaliyeed, kuwaas oo markasta u heelan u adeegidda Qaranka  iyo soo saaridda ubad tayo leh.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com