Markabkii xiray Kanaal Suweys oo la leexiyay

Markab lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands,oo fariistay kanaalka Suez, muddo toddobaad ahna ku xayirnaa halkaasi ayaa la sheegayaa in haatan laga saaray goobta, sida ay sheegeen saraakiisha.

Muuqaal u muuqday inuu muujinayay markabka uu biyaha dhex socda ayaa la arkay balse milkiilaha ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay kaliya in meesha laga leexiyay.

Markabka Ever Given ayaa xannibayay waddooyinka ganacsiga ee ugu mashquulka badan dunida kaasi oo khasbay in shirkadaha ay raadiyaan waddooyin kale iyo maraakiibta ay safaf dheer galaan.

Waxaana haatan rajada sare u qaaday wararka sheegaya in markabka laga bixiyay halkii uu ku xannibnaa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda kanaalka uu sidii hore ku soo noqdo. Waxaa halkaasi ku xannibnaa alaabo ganacsi oo lagu qiyaasay boqolaal bilyan oo doolar.

Shirkadda Inchcape ayaa sidoo kale shaacisay in markabka laga sii daayay kanaalka.

Aroortii hore ee saakay, mas’uuliyiinta kanaalka Suez ayaa sheegay in boqolkiiba siddeetan marka laga leexiyay jidka.

saraakiisha kanaalka ayaa sheegay in ay bilaabeen inay isu diyaariyaan inay ka saaraan qiyaastii 20,000 kun oo konteenaro oo saarnaa markabka si loo yareeyo culeyska.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com