Markabkii ku xannibnaa marinka Suez oo lagu guuleystay in la dhaqaajiyo

Markabki weynaa ee ku dhawaad muddada toddobaad ahayd xiray marinka Suez ee dalka Masar, ayaa maanta lagu guuleystay in goobtii uu ku Cilla doobay laga jiido.

Markabka Ever Given oo uu dhererkiisu yahay 400 oo mitir ayaa Marinka Suez isku gooyey xilli uu siday shixnado dhan 224,000 oo tan.

Maamulka marinka Suweys ayaa sheegay in Ever Given uu haatan boqolkiiba 80 sidiisa ku laabtay. Wuxuu maamulka sheegay inay qaadaneyso saddex maalin in la kala yareeyo ciriiriga maraakiibta ee jira.

Boqolaal maraakiib ayaa sugeysay in ay marinka gudbaan, kuwaasi oo uu xayiray markabka Ever Given.

Marinka Suez, oo isku xira badda Mediterranean-ka iyo badda Cas ee sii mara dalka Masar, ayaa  ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan adduunka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com