Mareykanka oo uga digay Shiinaha in Ruushku ku taageero dagaalka Ukraine

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa sheegay in uu uga digay Shiinaha inuu ka joojinayo lacagtiisa, haddii uu Ruushka ku caawiyo dagaalka Ukraine.

Blinken ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay kulan uu la qaatay dublamaasiga ugu sareeya Shiinaha, Wang Yi, oo qayb ka ah shirka amniga ee magaalada Munich.

Blinken oo mar dambe hadlay, ayaa sheegay in Maraykanku uu helay xog ku saabsan in Shiinuhu uu ka fikirayo suurtagal nimada in uu Ruushka u keeno hub, taasoo uu sheegay inay dhibaato weyn ku keeni doonto xiriirkooda.

Labada masuul, ayaa sidoo kale ka hadlay buufinkii lagu soo riday Waqooyiga Carolina horraantii bishan.

Blinken ayaa uga digay Shiinaha inaysan mar kale ku soo xadgudbin hawada dalka Mareykanka, halka Wang Yi uu sheegay in Mareykanka uu curyaamiyay xiriirkooda sababo la xiriira ficiladii ugu danbeeyey.