Mareeykanka :Aabe udhashay dalka Masar oo loo heesto dilka 2-bo gabdhood oo uu dhalay

 

Darawal taksiile ahaa oo lagu eedeeyey inuu dilay labo gabdhood oo uu dhalay ayaa la xiray ka dib markii muddo 12 sano ah la baadi goobayey gudaha Maraykanka.

Warqadda lagu soo xirayo Yaser Cabdel ayaa la soo saaray maalin ka dib markii sanaddii 2008-dii la toogtay gabdhihiisa oo lagu kala magacaabi jiray, Sarah Yaser Saciid oo 17 sano jir ahayd, iyo Amina Yaser Saciid, oo 18 jir ahayd.

Ninkani oo u dhashay dalka Masar ayaa waxaa sanaddii 2014 lagu daray liiska 10 qof ee ay aadka u baadigoobayso laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI.

Muddo 7 sano ah oo laga joogo markii warqada xiritaanka la soo saaray ayaa waxay booliiska ku xireen isaga iyo labo ka mid ah eheladiisa, gobolka Texas.

Mr Saciid, oo ay imika da’diisu tahay 63 jir, ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan loo wareejiyo degmada Dallas.

Ninkan oo la sheego inuu ahaa qof diinta islaamka ku adag ayaa toogtay labadiisa gabdhood isagoo ka carooday markii ay shukaansadeen dhalinyaro Maraykan ah oo aan Muslim aheyn 

Dadka muslimiinta ah  ayeey ku adagtahay in ay laqabsadaan wadamada rer galbeedka oo ay qaxooti aysan kudos galaan waxaana intabadan taasi ay sababtaa in waalidiin badan iyo caruurtooda ay is ku dhacaan .

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com